Ciidamada Gaashaan Oo soo Badbaadiyey Dad ku Go’doonsanaa gudaha hotelka Ambasador

3
598

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran gaashaan ayaa hotelka Ambasador ka soo badbaadiyey qaar ka mid ahaa dadkii hotelkaas uu galabta weerarku ku qabsaday oo gudaha ku go’doonsanaa.

Waxaa la arkayey ciidamada Gaashaan oo daaqadaha hotelka ka soo saaraya dadkii degenaa hotelka qaarkood, iyagoo adeegsanaya jaran-jarooyin dhaadheer oo ay goobta la tageen.

Dad kale oo fara badan ayaa weli ku dhex go’doonsan hotelka kuwaasoo aysan weli u suuragelin iney ka soo baxaan ama laga soo saaro halkaas, waxaana walaac laga muujinayaa xaaladooda.

Waxaa la aaminsan yahay in gudaha hotelka ay ku jiraan weli qaar ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday oo laga cabsi qabo iney laayaan dadka gudaha ku go’doonsan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Gaashaan ayaa gudaha ugu jira hotelka iyagoo ugaarsanaya ragga ka tirsan Al-shabaab ee loo malaynayo iney halkaas ku jiraan, waxaana sidoo kale ciidamadu ay ku wareegsan yihiin hotelka guud ahaan, rasaas goos goos ah ayaana mararka qaarkood la maqlayaa.

Inkastoo khasaaraha rasmiga ah aan weli si rasmi ah loo ogeyn haddana dad badan ayaa la soo sheegayaa iney dhinteen, iyadoo isbitaalada Muqdisho la aarsiiyey dhaawacyada labaatameeyo ruux.

Comments are closed.