Ciidamada NISA oo soo afjaray howl galkii Hotelka Ambassador

1
343

Ciidamada NISA ayaa goor dhow oo saaka ah soo afjaray howl galkii ka socday Hotelka Ambassador, halkaasoo shalay galab Al-Shabaab ay weerareen, iyadoo howl galka ka socday hotelka uu qaatay in ka badan 10-saac.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in la soo afjaray howl galka, isla markaana ay si guud ah ciidamada ula wareegeen ammaanka hotelka.

Ciidamada ayaa toogtay dhamaan dableydii hubeysneyd ee hotelka weeraray, kuwaasoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan tiradooda, hase ahaatee ciidamada howl galka waday ay sheegayaan inay ahaayeen saddex ruux.

Saraakiisha Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in qofkii ugu dambeeyay oo ka mid ahaa dableydii gudaha Hotelka ka dagaalamayay saaka la dilay, xaaladana ay tahay mid haatan degan.

Rasaasta ka dhaceysay gudaha Hotelka ayaa la maqlayay illaa saaka waabarigii, waxaana la sheegay in hal ruux oo ka mid ahaa dableyda hotelka weerartay uu saarnaa dabaqa ugu dambeeya ee Hotelka.

Wariyeyaasha ayaa loo ogolaaday inay Hotelka afaafkiisa hore tagaan, oo ay sawirtaan, waxaana gebi ahaanba goobta ay tahay mid bur bursan, waxaana ay u egtahay goob muddo sanado ah lagu dagaalamayay oo kale.

Sagaal ruux oo isugu jira caruur iyo haween qaarkood dhaawacyo qaba ayaa laga soo saaray Hotelka, sidoo kale meydadka lix qof ayaa agagaaraha Hotelka iyo gudihiisa lagu arkay.

Ciidamada ayaa xalay soo bad baadiyay dad badan oo ay ku jiraan Xildhibaan iyo Mas’uuliyiin, sidoo kale xaalada Hotelka ayaa aheyd mid adkeyd, waxaana howl galka dheereeyay korontada oo go’neyd, gudaha hotelkana uu ahaa mugdi.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka iyo saraakiil kale ayaa goobta gaaray, waxaana lagu wadaa in Warbaahinta ay kula hadlaan.

Illaa 20-ruux ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerarka, oo ay ku jiraan labo xildhibaan, sidoo kale dhaawacyada dad kor u dhaafaya 50-ruux ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina.

Hotelka Ambassador oo ka kooban shan dabaq ayaa qeybaha dhinaca laamiga xiga ayaa waxaa ka muuqda bur bur xoogan.

Waa weerarkii labaad ee sanadkan ugu dhimashada badnaa oo hal goob ah ka dhaca, kadib weerarkii Xeebta Liido ee dhacay 21-kii Janaayo ee sanadkan, kaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 30-ruux.

 

Comments are closed.