{DAAWO SAWIRADA} Dhalinyarada Gobolka Hiiraan Oo Wali Baladweyne Ka Siwado Qeybinta Deeqaha Raashinka

1
526

Deeqdan raashiin ka ah oo ay soo dhiibeen dhalinyaro soomaaliyeed oo ku dhaqan wadanka mareykanka ayaa la gaarsiiyay dadkii loogu talagalay ee ay saameysay fatahaada webiga shabeele.

Ururka dhalinyarada Gobolka oo loo soo wakiishay deeqdan ayaa gaarsiiyay boqol qoys oo danyar ah kuwaas dhibaato kasoo gaartay fatahaadii webiga .

Gar gaarkan oo ka koobnaa bur bariis sokor iyo saliiid ayna soo dhiibeyn dhalinyaro soomaaliyeed ayaa dadkii la gaarsiiyay ka mahad celiyeen waxana ay sheegeen in baahi weyn u qabeen gar gaar noocaani oo kale ah iyagoona u duceeyey dadkii sadaqadan soo dhiibtay .

Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Gobolka Hiiraan maxamed C/llahi Buraalle Raaxeeya ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen deeq dan dadkii loogu tala galay oo si wanagsan oo cadaalad ah loogu qeybiyay isagoona u mahad celiyay dhalinyarada dadkooda u damqaday ee gar gaarkan u soo dhiibay .

Waxa uu sidoo kale sheegay in maalmahan ay gar gaar gaarsiinayeen dadka dhibaateysan oo biyaha barakiciyeen kuna dhibaateeysan banaananka degmada Baladweyne .

DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (13) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (1) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (3) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (4) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (5) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (6) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (7) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (8) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (9) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (10) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (11) DEEQ RAASHIN OO LADWEYNE LAGA QEYBIYAY (12)

 

Aadan Cabdi Axmed 

Radio Hiranweyn Baledweyne 

Comments are closed.