{DAAWO SAWIRADA} Dowlada Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay khasaarihii weerarkii Hotel Ambassador.

3
414

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faafaahin ka bixiyay khasaaraha weerarkaasi iyo sida Ciidamada ammaanka ay uga hortageen dhagarta Al-shabaab ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka, isagoo gudaha Hotelka warbaahinta ugu sheegay in Ciidamada ammaanku ay yareeyeen khasaaraha, maadaama ay mid mid u toogteen dhagar qabayaasha weerarka soo qaaday.

Taliyaha Nabad-sugidda Qaranka Somaliyeed NISA C/raxmaan Tuuryare ayaa sheegay in Ciidamada NISA ay toogteen saddexdii dhagar qabe ee weerarka soo qaaday, islamarkaana ay mar walba Ciidamadu u diyaarsan yihiin in ay ka hortagaan qorshaha Al-shabaab.

Wasiirka wasaarada Amniga C/risaaq Cumar Maxamed ayaa isna tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo la dagaalanka cadowga ummada Soomaaliyeed oo mar walba ku howlan dhibaateynta Dadka Soomaaliyeed.

Qasaaraha ka dhashay weerarka ayaa ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loo ogeyn, waxaase lagu qiyaasayaa in ay ku dhinteen 12 ruux oo ay ku jiraan laba Xildhibaan, Dhaawacana 54 ruux.

wasiiro booqday hotel ambasador (1) wasiiro booqday hotel ambasador (2)wasiiro booqday hotel ambasador (3)wasiiro booqday hotel ambasador (4)wasiiro booqday hotel ambasador (5)

Comments are closed.