{DAAWO SAWIRADII Ugu horreeyey weerarka caawa lagu qaaday Hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho

1
734

Wararka aan ka heleyno Hotelka Ambassador ee Magaalada Muqdisho oo uu ka dhacay Qarax ayaa sheegaya in Saddex Nin oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay gudaha Hotelka u galeen,waxaana ay ka dhex dagaalamayaan Hotelka Gudihiisa.

Mid kamid ah Saddexdii Nin ee galay Hotelka ayaa la sheegay in ay Toogasho ku dileen Illaalada Hotelka Ambassador iyadoo Labadii kale ay weli dagaalamayaan.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Howlgal ka wada Hotelka,kuwaas oo doonaya in ay soo badbaadiyaan Dadka ku dhex go’doonsan hotelka gudihiisa.

Inkastoo aan weli si dhab ah loo xaqiijin Khasaarah ayaa 20 Qof oo Qaraxa ku dhaawacantay waxaa la dhigay Isbitalka Madiina.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa soo badbaadiyay Dad badan oo Hotelka ku jiray,iyadoo ay jiraan Dad weli ku go’doonsan Hotelka sida ay sheegayaan Wawrkii ugu dambeeyay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qarax Ismiidaamin ah oo banaanka Hotelka kadhacay iyo in Rag ka tirsan Shabaab ay gudaha Hotelka ka dagaalamayaan.

Hotelka Ambassador ayaa ku yaalla Dhanka bari ee Isgoyska KM-4,iyadoo uu u dhaw yahay Daarta la yiraado Tree Biyaano.

 

 

qaraxii ka dhacay hotelka ambasador caawa  (2) qaraxii ka dhacay hotelka ambasador caawa  (3) qaraxii ka dhacay hotelka ambasador caawa  (4) qaraxii ka dhacay hotelka ambasador caawa  (5) qaraxii ka dhacay hotelka ambasador caawa  (6) qaraxii ka dhacay hotelka ambasador caawa  (1)

Comments are closed.