{ DAAWO SAWIRO } Ciidamada Burundi oo dalkooda dib ugu laabtay, lana guddoon siiyay abaal marinno:

0
515

Cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM ayaa bilado iyo shahaadooyin la guddoon siiyay, kuwaasi oo dalkooda dib ugu laabtay, laguna soo badalay cutubyo kale.

Munaasabadii lagu guddoon siinayay abaalmarinta iyo xafladda sagootin loo sameeyay ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, safiirka Burundi u fadhiya Somalia,  Ambassador Joseph Nkurunziza iyo saraakiil ka tirsan ciidamada milateriga Soomaaliya.

Ambassador Madeira ayaa ku ammaanay dowladda Burundi iyo ciidamadeeda howsha muhiimka ah ee ay ka qabteen Soomaaliya.

1 2 3 4 6 7 8 9 10 11 12 135