{DHAGEYSO} Wasaarada Amniga Oo Soo Qabatay Sarkaal ka tirsan Shabaab

1
425

Wasaarada amniga dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegtay in ay gacanta kusoo dhigtay sarkaal ka tirsan Shabaab iyo sidoo kale rag lagu eedeeyay in ay dilala ka geysan jireen magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka wasaarada amniga dowladda Soomaaliya Cabdikaamil Macalin Shukri ayaa sheegay in wasaarada amniga baaritaan ay sameysay ay kusoo qabteen sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab iyo sidoo kale rag ka mid ahaa dadka dilalka ka geysta Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay in dadka lasoo qabtay dhan yihiin 4 qof oo uu ku jiro sarkaal ka tirsan Shabaab,waxuuna sheegay in sarkaalka laga soo qabtay deegaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka Muqdisho ,halka dadka kalena laga soo qabtay degmada Dharkiinleey ee gobolka Banaadir.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Comments are closed.