SAWIRO HOR Dhac ah Oo Laga Helay Hoteelka Ambasador Iyo Faah Faahin Laga Helaayo

0
359

Qarax xoogan ayaa goor dhow abaare 5:40 daqiiqo galabnimo lagu weeraray hotelka Ambasador oo ku yaalla wadada Maka Al-Mukarama meel ku dhow isgoyska Km4 ee magaalada Muqdisho.

Rasaas xoogan ayaa qaraxa ka dib ka bilaabatay halkaas iyadoo wararku sheegayaan in rag hubeysan ay gudaha u galeen hotelka, waxaana goor dhow goobtan gaaray ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Somalia, waxaana hotelka dhexdiisa ka socda dagaal.

Dhowr qarax oo kale ayaa halkaas laga maqlay, waxaana wararku sheegayaan in qaraxa hore oo loo adeegsaday gaari miineysan lagu dhuftay albaabka dambe ee hotelka, waxaana ka dib halkaas ka soo galay ragga hubeysan ee gudaha ugu jira hotelka.

Xildhibaano iyo dad kale oo qurba joog ah ayaa degan hotelka Ambasador oo ka mid ah hotelada ugu waaweyn magaalada Muqdisho, lamana oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan oo weli soconaya.

13307403_10209904954119428_2016001082060766904_n

qaraxii ambasador

 

qaraxa

LA SOCO WARARKENA DANBE INSHA ALLAH