WAR DEG DEG AH:-Maamulka Jubbaland oo sheegtay in Meydadka ay hayaan uu ku jiro Maxamed Kuno Dulyadeyn

1
437

War goor dhaw soo dhacay ayaa sheegaya in Meydadka Maamulka Jubbaland ay ku soo bandhigeen Magaalada Kismaayo uu ku jiro Maxamed Kuna Dulyadeyn oo ka mid ahaa Saraakiisha Sare sare ee Al-shabaab.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa sheegay in Meydadka la hayo uu ku jiro Maxamed Kuno Dulyadeyn oo Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolada Jubbooyinka islamarkaana lagu dilay Dagaalkii Buulo gaduud.

Maxamed Kuno ayaa waxaa Madaxiisa dultiilay Lacag ay Dowladda Kenya dul dhigtay,iyadoo Kenya ay sheegtay inuu ku biiray Kooxda Daacish.

Kenya ayaa Maxamed Kuna waxaa ay sheegtay inuu Masuul ka ahaa Weerarkii 2015 lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ee ay ku dhinteen 148 Qof.

Jubbaland ayaa sheegtay in ay Warbaahinta u soo bandhigi doonto Meydka Sheekh Dulyadeyn oo ka tirsanaa xarakada Al-shabaab.

Comments are closed.