WAR DEG DEG AH :-Wasiiro Goordhaw Gaaray Hotel Ambassador

2
391

Wararka inaga soo gaaraya Hotel Ambassador ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow ay halkaasi gaareen Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ciidan.

Waxaa wasiirada Hotel Ambassador gaaray ka mid ah Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Taliyaha Nabad-Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA C/raxmaan Tuuryare, iyaga oo si wadajir ah u wada qiimeynaya xaalada iyo qasaaraha ka dhashay weerarka.

Wasiirada iyo Taliyaha NISA ayaa qol qol u galaya Hotelka si ay u ogaadaan qasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah iyo xubnaha ku jiray dowladda ee weerarka wax ku noqday.

Saraakiil ka tirsan Hey’adda NISA, ayaa sheegay ciidamada Gaashaan in ay Hotelka qaybta Sare iyo Qaybta hoosaba ay joogaan oo ammaanka ay xaqiijiyeen.

Goobaha Hotelka ka agdhaw ayaa hada waxaa jooga dadka shacabka ah oo daawanaya sida ay wax u dhaceen, inkastoo ciidamada ammaanka qaybahooda kala duwan weli goobta ay buuxaan.

Comments are closed.