WAR DEG DEG AH:-Xildhibaan oo la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka Hotel Ambassador

6
670

Warar goor dhow ay heshay Radio hiranweyn ayaa sheegaya in illaa labo Xildhibaan ku geeriyoodeen weerarka Hotel Ambassador, iyadoo wali uu socdo howl galka.

Xildhibaan C/llaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka Hotelka Ambassador.

Dableyda hubeysan ee ka dhex dagaalamaya gudaha Hotelka ayaa fuulay dabaqa ugu dambeeya ee hotelka,halkaasoo ay rasaas ka soo ridayaan.

Wasiirka Amniga gudaha C/risaaq Cumar maxamed ayaa goor sii horeysay sheegay in la soo bad baadiyay xildhibaano dhowr ah iyo dad kale oo Hotelka degenaa.

Ciidamada ammaanka ayaa soo bad baadiyay illaa afar Xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Maxamed Cumar Maclow, C/llaaji Dayib iyo Maxamed Xirsi Ducaale.

Dadka la soo bad baadiyay ayaa gaarayay tobanaan ruux, waxaa ku jiray Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur oo dhaawac fudud soo gaaray iyo Mas’uuliyiin kale.

Laamaha ammaanka ayaa sheegaya in howl galka uu wali socdo, isla markaana dableyda hubeysan ay saaran yihiin dabaqa ugu dambeeyay, ayna ciidamada ammaanka ku howlan yihiin sidii ay uga taqalusi lahaayeen.

Isbitaalka Madiina ayaa la geeyay dhaawacyada ilaa sodomeeyo ruux oo dhaawacyo ah, iyo dhimashada tobanaan ruux oo ahaa ku dhintay qaraxii xooganaa ee ka dhacay afaafka hore ee Hotel Ambassador.

Weerarka Hotelka Ambassador ayaa saacado socda, waxaana wali adag in la helo faah faahin rasmi ah, maadaama xilliga uu yahay habeen.

 

 

qaraxa Hotel Ambasator (4) qaraxa Hotel Ambasator (5) qaraxa Hotel Ambasator (6) qaraxa Hotel Ambasator (7) qaraxa Hotel Ambasator (8)  qaraxa Hotel Ambasator (10)

LA SOCO WARARKENA DANBE INSHA ALLAH 

Comments are closed.