Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo maanta soo gaaray Magaalada Baledweyne

1
360

Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo kan Amniga Xukumadda Soomaaliya ayaa maanta tagay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Garoonka Diyaradaha Baledweyne waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Soo dhaweyn ka dib ayey Wasiiradu waxaa ay Kormeereen Degaanka Ceel-jaale ee Duleedka Magaalada Baledweyne halkaa oo ay joogaan Dadkii ugu badnaa ee ka barakacay Fatahaada wabiga Shabelle oo Magaalada Balwdweyne ku fatahay.

Wasiiradda Maanta tagay Baledweyne ayaa sidoo kale sheegay in Ujeedka safarkooda uu ahaa sidii ay u qiimeyn lahaayeen Xalada Dadka Fatahaadu ay saameysay.

Comments are closed.