Xukumada Somalia Oo Ka Hadashay weerarkii caawa Ka Dhacay Hoteel Ambassador Ee Magaalada Muqdisho

0
344

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa cambaareysay weerarkii al shabaab ay ku qaadeen  hotelka Ambasador ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda F. Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),  oo  hadlay Warbaahinta , ayaa sheegay in ay Xukuumaddu cambaareyneyso weerarkaasi argagixiso, isla markaana ay aad uga xun yihiin ficilladaasi lagu dhibaateynayo  shacbiga somaliyed

Dhanka kale ciidammada ammaanka dowladda ayaa ku howlan sidii loo soo gabagabeyn lahaa weerarka ay dagaalamayaal ka tirsan ay ku galeen Hotelka Ambassador, iyadoo toogasho lagu dilay malleeshiyaadka ka tirsan, kuwii weerarka soo qaaday.