SOMA oo Tababar uga Furtay Baydhabo Wariyayaal ka kala yimid Gobolka Dalka Soomaaliya.

0
331

Tabbarkan oo ku saabsan tabinta wararka iyo badqabka Wariyaha oo socday mudo 4 maalin is lamarkaana ay ka qeyb galeen 20 wariye oo iskugu jiro gabdho iyo wiilal kuwaas oo ka kala socdo Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa lagu so gabagabeyay Magaalda Baydhabo ee Gobolka baay.

Wariyayaashii ka kala yimid Gobolka Dalka ee ka qeyb galaayay Tababarka ayaa Cali Cismaan Makaran oo ka tirsan Radio Hiiraanweyn ayeey u wakiisheen in uu ku hadlo afka wariyayaasha ka qeyb galaayo  Tabarka ,waxaana uu u mahad celiyay Dalada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA oo tababarka So qaban qaabisay Maamulka Koofur galbeed iyo Hay’adaha kala ah (IMS) FOJO: Media Institute Linnaeus oo ah Hay’adaha SOMA ka taageeraa dhinaca dhaqaalaha.

Abuukar Albadri oo ah xubin ka socoto Hay’adaha kala ah (IMS) FOJO: Media Institute Linnaeus ayaa siweyn u bogaadiyay Daladda SOMA iyo sida ay tababarka ugu sameysay wariyayaasha Soomaaliyeed oo xiligaan baahi weyn u qabo tababarada nuuc ah waxana uu balan qaaday in ay siindoonaan  ururada warbaahinta taageero dhaqaale oo lagu hormarinaayo aqoonta iyo Badqabka wariyaha.

Xoghayaha Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Mudane Cismaaiil sheikh Khaliif ayaa ugu horeyn ka hadlay ujeedada ka danbeeyso in qabto  tababarkan iyo tirada wariyayaasha ka Faa ideysatay.

Mr Khaliif ayaa yiri:markii aan aragnay baahida looqabo tafatire iyo war tabiyo wanaagsan oo muhiimad gaar ah u leh warbaahinta soomaaliyeed ayaan go aan sanay in aan sameeyno dadaalo wax aan uga badaleeyno aqoonta dhaqanka iyo Amaankiisa wariyaha.

Talaabadii ugu horeysay ayaan bilaawnay waxaana isku keenay 20 wariye oo ka kala socdo 20 xarun warbaahineed kuwaas oo dhamaantoo ka howlgalo Muqdisho iyo Gobolada dalka soomaaliya waxaana aaminsanahay in aan waxbadan ka badali doono shaqada wariyayaasha Soomaaliyeed iyo Amnigooda

Cismaaiil sheikh Khaliif Xoghayaha Dalada Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa u mahadceliyay Maamulka Koofur galbeed oo fududeeyay tababarka in lagu qabto Magaalada Baydhabo Xoghayaha SOMA ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay  Hay’adaha kala ah (IMS) FOJO: Media Institute Linnaeus oo bixiyay dhaqaalaha lagu qabtay tababaro badan oo laga sameyay gudaha Dalka Soomaaliya.

Tababarkan ay ka faa ideysteen 20 Wariye ayaa waxaa so qaban qaabiyay Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee loo soo gaabiyo SOMA  waxaana dhaqaalaha lagu fuliyay Tababarka bixinaayay Hay’adaha (IMS) FOJO: Media Institute Linnaeus.