{AKHRISO} Wareegto ka soo Baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland ….

4
500

Wareegto ka soo baxday Madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiim C/llaahi Xaaji Cumar (Camay) ayaa lagu amray in la baaritaan dheer lagu sameeyo Gaadiidka Rakaabka ah ee isaga kala gudbaya dhamaan deegaanada Puntland.

Amarkaan ayaa la sheegay inuu yahay mid la doonayo in lagu ilaaliyo nabad-gelyadda, waxaana la tilmaamay in baarista lagu ilaalin doono sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo shuruucda baaristaanada nabad-gelyadda.

Afjayeenka Madaxtooyadda ayaa Wareegtada Warbaahinta u akhriyay.

Comments are closed.