Ammaanka Magaalada Cadaado oo Saaka la adkeeyay iyo Wafdi ku Wajahan

3
455

Ammaanka Magaalada Cadaado oo Xarun KMG ah u ah Maamulka Galmudug ayaa Saaka si weyn loo adkeeyay waxaana tagaya Cadaado sida Wararku nagu soo gaarayaan Saraakiil Ciidan oo isugu jira Milatari iyo Boolis iyo sidoo kale Wafdi ka socda QM.

Saraakiisha ku wajahan Cadaado ayaa waxaa ka mid ah Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Cali Baashi Xaaji,waxaana uu Cadaado u tagayaa qimeyn ku aadan Ciidamada Xoogga Qeybta 21-aad ee ku sugan Galmudug.

Sidoo kale waxaa Wafdiga QM la sheegay in ay u Kuur gali doonaan qaabka ay u socdaan qaban qaabada Doorashada Labada Aqal ee halkaa lagu wado in ay Doorashooyin ka dhacaan.

Comments are closed.