Brazil Oo Guul Ka Heshay Colombia, Argentina Oo Messi La’aan Dhaafi Weysay Venezuela, Uruguay Oo Xasuuqday Parauguay & Natiijooyinkii Kale Ee Isree-reebka Koonfurta America

10
548

Brazil ayaa gaartay guul weyn markii ay marti sooreen xulka Colombia kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka ee wadamada Koonfurta America waxeyna taas ka saaciday iney tiigsadaan booska labaad ee kala horeynta group-ka ay ku bahoobeen dhamaan wadamada Koofurta America.

Miranda ayaa bilaabay bandhigga goolasha Brazil markii uu daqiiqadii 2-aad dhameystiray kubad uu koornada kasoo qaaday kabtankoodii hore Neymar, balse wiilasha Colombia ayaa dadaalkoodii ku guuleystay iney gool ku helaan isla qeybta hore ciyaarta daqiiqadii 36-aad markii James Rodriguez uu ku qasbay daafaca PSG Marquinhos inuu iska dhaliyo kubad laad xor aheyd oo uu kasoo qaaday meel aan goolka ka fogeyn.

Brazil

Daqiiqadii 74-aad ayuu Neymar soo afjaray nolosha Colombia markii uu caawinaad ka helay Philippe Coutinho oo badal kusoo galay ciyaarta qeybteedii labaad.

Dhanka kale Argentina ayaa guul gaari weysay iyadoo uu ka maqan yahay hogaamiyahooda Lionel Messi, waxeyna barbaro rafaad ah ka heleen xulka Venezuela oo ay marti u ahaayeen, Nicolas Otamendi gool uu dhaliyay 10-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ayeyna ku badbaadeen.

Di Maria

Juanpi ayaa bilaabay bandhigga goolasha Venezuela daqiiqadii 35-aad, waxaase isla qeybtii hore kii labaad u raaciyay Josef Martinez daqiiqadii 40-aad.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu marsiiyay Argentina iyadoo 2-gool lagu hogaaminayo, Lucas Pratto ayaa soo celiyay rajada Argentina daqiiqadii 58-aad, halka Otamendi uu daqiiqadii 83-aad dhaliyay goolka barbaraha tani waxey ka saaciday Argentina iney  dhibcaha barbaro kala tahay dhanka kala sareynta Brazil balse ay ku jirto booska 3-aad.

Wiilasha aan kala dhicin ee Edinson Cavani iyo Luis Suarez ayaa guul weyn gaarsiiyay Uruguay kulan ay xasuuqeen dhigooda Paraguay, wiilasha macalin Oscar Tabarez ayaana ka jawaabay dhibtii kasoo gaartay Argentina dhawaan, waxeyna 4-0 ku xaaqeen Paraguay.

Cavani

Edinson Cavani ayaa daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta dhaliyay goolka daah furka Uruguay, waxaase kii labaad daqiiqadii 42-aad raacsaday Cristian Rodriguez, dhamaadkii qeybta horana Super Luis Suarez ayaa raacsaday goolka sadexaad ee niyadda ka dilay Paraguay.

markii la isku soo laabtay 10-daqiiqo kadib qeybta labaad Edinson Cavani ayaa ciyaarta ka dhigay 4-0, guushaan ayaana ka saaciday Uruguay iney fooqa sare kala sareynta ku fadhiistaan iyagoo leh 16-dhibcood.

Natiijooyinkii kalana waxaa ka mid ah  Chile waxey barbaro gool la’aan ah la gashay Bolivia, halka Ecuador ay guuldaro kala kulmeen Peru kulan ku dhamaaday 2-1.

Comments are closed.