Chelsea Oo Ishaaratay Bedelka John Terry, AC Milan Oo Harry Kane La Wareegeysa & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta.

494

Suuqa Kala iibsiga ciyaartoyda ayaa soo xirmay, marka laga reebo ciyaartoyda sida xorta ah ku jooga suuqa kooxna ma sameyn karto saxiix ilaa laga gaaro bisha January, balse waxaa jira warar xan ah oo ay qorayaan warbaahinta kubadda cagta. Dhamaan wararkii maanta laga hadal hayay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaan halkaan hoose idinkugu soo koobnay. Shabakadda Laacib.net masuul kama ahan dhabnimada wararkaan madama ay u xaglineyso halkii ay kasoo xigatay.

AC Milan ayaa 50 milyan ginni ku dalban karta bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga weeraryahanka kooxda Tottenham iyo xulka England 23 sanno jirka Harry Kane, iyadoo Rossoneri ay la wareegayaan maalqabeeno Shiinees ah. (Corriere dello Sport)

Wargeysyada

Xiriirkii ka dhaxeeyay tababaraha Manchester United Jose Mourinho  iyo daafaca midig Matteo Darmian ayaa gabi ahaanba burburay, iyadoo daafaca Talyaaniga amaah lagu siin karo Juventus bisha Janaayo. (Tuttosport)

Liverpool ayaa heli doonta boqolkiiba 30 lacagta ay mustaqbalka kooxda Nice ku iibin doonto weeraryahanka Talyaaniga Mario Balotelli taasoo qeyb ka aheyd heshiiskii lacag la’aanta ay xiddigaan ku siiyeen kooxda Faransiiska. (Independent)

Weeraryahanada Real Madrid Cristiano Ronaldo iyo Gareth Bale iyo xiddigaha khadka dhexe Toni Kroos iyo Luka Modric ayaa la filayaa inay saxiixi doonaan heshiisyo cusub bisha soo socota dhexdeeda. (Daily Mirror)

Daafaca 21 jirka AC Milan Alessio Romagnoli ayaa sheegay inuu ku farxay in kooxda Talyaaniga ay diiday dalabkii ay ka soo gudbisay xagaagan kooxda Chelsea. (Daily Express)

_91077300_daily_mirror

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa u calaamadeystay daafaca Middlesbrough Ben Gibson iyo daafaca Burnley Michael Keane oo labadaba 23 sanno jir ah bedelka macquulka ah ee daafaca John Terry oo 35 sanno jir ah. (Daily Mail)

Bayern Munich, Juventus iyo Real Madrid ayaa la fahamsan yahay inay hogaaminayaan qorshe lagu doonayo in lagu sameeyo World Super League taasoo keeni karta in kooxaha Ingariiska ay bartamaha isbuuca la ciyaaraan kooxaha China muddo shan sanno gudaheed ah. (Daily Mirror)

In laga ciyaarsiiyo Wayne Rooney khadka dhexe waa aflagaado madaama uusan laheyn farsamo uu kula tartamo xiddigaha ugu fiican booskaas, sidaasi waxaa yiri kabtankii hore ee Manchester United Paul Ince. (The Sun)

Daafaca Manchester United diirada u saarnaa Leonardo Bonucci ayaa ku dhow inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda Juventus. ( Daily Star)