{DAAWO SAWIRADA} dowladda Soomaaliya oo heshiis la gaartay dowladda Suudaan

6
469

Dowladda Soomaaliya ayaa heshiis dhanka waxbarashada ah waxa ay la gaartay dowladda Suudaan oo kamid ah dowladda ku yaalla Qaarada Afrika.

Wasiirka Wasaarada waxbarashada Soomaaliya Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo hada ku sugan magaalada Khartum ayaa la kulmay Wasiirka Waxbarashada dalka Suudaan  Drs Sumaya Abuu Kashwah waxayna labada wasiir ay wada gareen heshiisyo ku salaysan dhanka waxbarashada.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay kordhisay deeqaha waxbarashada ee la siiyo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Suudaan ayaa sanadwalba waxa ay siiso deeq waxbarasho arday Soomaaliyeed , waxaana deeqahaasi ay u badan yihiin heerka koowaad ee waxbarashada , laakiin sanadkaan wasiirka ayaa sheegay in dowladda Suudaan ay ballan qaaday in ay siin doono ardayda Soomaaliyeed heerarka kala duwan ee waxbarashada sida Masterka, Bachelor, iyo sidoo kale PHD.

sudan44-1sudan44img_20160907_120936img_20160905_131711-1

Comments are closed.