{DAAWO SAWIRADA} Kumanaan Dibed-baxayaal careysan oo xiray wadooyinka magaalada dekeda ah ee Calais

11
592

Dad Kumanaan gaaraya ayaa dibed baxyo ka dhigaya magaalada Calais ee dalka Faransiiska iyagoo dalbanaya in la xiro xero Qaxooti oo halkaas ku taalla.

Dibed-baxayaasha ayaa xiray wadooyinka waawayn oo ay ku jirto wadada tagta dekedda magaaladaas.
Xerada Jungle waxaa ku nool dad ka badan 7,000 oo muhaajiriin ah kuwaasoo xaaladoodu liidato, badankooduna waxay isku dayayaan in ay ku boodaan gawaarida waawayn ee xamuulka si ay u gaaraan dalka Britain.

Dadka isu soo baxay ayaa waxay sheegayaan in xeradaasi ay wax u dhimayso bilicda magaalada ayna carqaladaynayso hawlaha dekedda.

Duqa magaalada Calais, Natacha Bouchart ayaa sheegtay in ay qorshaynayso inay ku biirto mudaaharaadka iyadoo sheegtay in xaaladda xeradaasi ay noqonayso mid aan loo adkaysan karin.

Dadka ku nool xeradaasi intooda badan waxay ka soo kala jeedaan Bariga Dhexe, Afghanistan iyo Afrika waxayna rajaynayaan inay ka sii gudbaan iyagoo isku dayaya inay si sharci darro ah kaga baxaan iyagoo adeegsanaya dadka wax tahriibiya, waxayna daneynayaan iney u gudbaan woqooyiga qaarada Yurub.





 

Comments are closed.