{DAAWO SAWIRADA} Musharax Cali Cabdulaahi Cosble Oo Manta Siweyn Logu so dhaweyay Magaalada Jowhar

10
786

Siyaasi Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada maamulka gobolada Hiiraan & Shabelaha dhexe kadib markii uu maanta soo gaaray magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

 

 

Boqolaal ruux oo watay gaadiid faro badan ayaa ugaga hortagay musharaxan meel u jirta magaalada Jowhar 10km iyadoo dadkana ay ku dhowaaqayeen ereyo ay ku taageerayaan musharaxnimada isla markaana xirnaa funaanado, boorar iyo koofiyado ay ka muuqdaan sawirada siyaasiga Cali Cabdullaahi Cosoble oo hore xilal kala duwan ugaga soo qabtay dowladii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya.

 

 

 

Musharax Cosoble ayaa socod ku maray mid kamid ah  wadooyinka laamiga waxaana intaasi ka dib uu shir jaraa’id uu  qabtay ku sheegay in uu doonayo in uu wax u qabto ummada Soomaaliyeed uuna ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

 

 

 

Qaar kamid ah oday dhaqameedyada ku sugan magaalada Jowhar ayaa waxaa ay ka hadleen munaasabad kooban oo lagu soo dhoweynayay Musharaxa Cali Cabdullahi Cosoble.

 

 

 

 

“Waxaan taageersanahay Cali Cabdullahi Cosoble oo ah nin aqoonyahan ah horena u soo qabtay xilal wasiir waana shaqsi u qalma in uu hogaamiyo labada gobol iyo weliba guud ahaan dalka oo dhan.”ayuu yiri Ugaas Maxamedweli Ugaas Xuseen oo ka mid ah duubabka dhaqanka Soomaaliyeed.

 

 

Sidoo kale Suldaan Axmed Rashiid Shiikh Shuceyb ayaa sheegay inay taageersan yihiin musharaxa madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble isagoo xusay in uu yahay musharax siyaasi u qalma inuu hogaamiyo ummada Soomaaliyeed.

 

 

 

 

Gabagabadii ayuu musharaxa madaxtinimada labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan Cali Cabdullahi Cosoble ayaa hadal kooban ka jeediyay halkaas waxa uu sheegay in uu diyaar u yahay in uu wax u qabto ummada Soomaaliyeed gaar ahaan ummada ku dhaqan labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

 

 

“Waxaan u taaganahay in aan marwalba xil walba ha ahaado inaan wax uqabto ummada Soomaaliyeed waxaana aan ku dhaqi doonaa maamul goboleedka cusub cadaalad iyo horumar.”ayuu yiri Cali Cabdullaahi Cosoble.

 

 

Musharaxa Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ah musharaxii ugu horeeyay ee ku dhowaaqa inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ee maamulka labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan.

 

 

 

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay ku dhowaaqaan siyaasiyiin kale inay u taagan yihiin xilka madaxtinimada labada gobol iyadoo shirka maamul u sameynta labada gobol uu yahay mid hakad ku jira oo aan dib u furmin.

 

W/Q Cabdulaahi Maxamed Xuseen 

 

musharax-cosoble-1

musharax-cosoble-2

musharax-cosoble-3

musharax-cosoble-4

musharax-cosoble-5

musharax-cosoble-6

cosoble

cpspn

Comments are closed.