{DAAWO SAWIRADA} Wadaad Muslim ah Caana ka ahaa Dalka Britain oo lagu riday Xukun adag Kadib Markii,,

0
415

Maxkamad kutaala magaalada London ee Caasimada dalka Britain ayaa shalay xukun xabsi ah waxa ay ku riday Wadaadka lagu magacaabo Anjem Choudary oo lagu eedeeyay in uu taageero u muujiyay Kooxo Islaamiyiin ah ay ku jirto Daacish.


Maxkamadeynta Wadaadkan ayaa mudooyinkii dambe ka socotay magaalada London , waxaana lagu eedeeyay Anjem Choudary in uu taageero u ahaa kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalma meelo kamid ah caalamka, waxa ayna Maxkamada ku riday xabsi shan sano iyo bar ah .


Anjem Choudary, oo ku dhashay dalka Britain ayaa lagu eedeeyay in mudo ah in uu taageersanaa uuna Telefishinada ka difaaci jiray Kooxaha Islaamiyiinta ee ka dagaalama qeybo kamid ah Caalamka ay ku jiraan Kooxaha Daalibaan , Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.


Wadaadkan ayaa caan ka ahaa dalka Britain, waxa uuna inta badan abaabuli jiray banaanbaxyo ay dhigaan Jaaliyadaha Musliinta ah ee kunool dalkaasi, waxa uu sidoo kale si toos ah Telefishinada uga difaaci jiray kooxaha Reer Galbeedka ku sheegaan argagaxisada.


Dacwada uu hada xabsiga ku muteestay Anjem Choudary ayaa lagu sheegay in ay aheed in uu si toos ah u taageeray kooxda Daacish, waxaana la sheegay in Wadaadkan uu Beeco la galay Amiirka Daacish Abuubakar Al-Bagdaadi.

Tilaabada uu qaaday wadaadkan ayaa la sheegay in ay kahor imaaneyso sharciga u degsan dalka Britain oo mamnuucaya in la taageero kooxo ku lug leh falal la xariira argagaxiso, wadaadkan ayaana lagu heysan fal dambiyeed uu gacantiisa ku galay marka laga reebp in uu taageeray Daacish.


Wadaadkan ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyay in dhalinyarao badan oo Britain kunoolaa in uu ka dhaa dhiciyay fikirka xagjirnimada uuna ku dhiiro galiyay in ay dagaal u aadaan Wadamo kuyaala Aasiya iyo Afrika.


Qareenka u doodayay Anjem Choudary ayaa ka codsaday garsooraha xukunka ridayay in uu ka qafiiyo xukunka, isagoona tilmaamay in Wadaadka ka xun yahay in uu si toos ah u taageeray Daacish, hasa ahaatee Garsooraha ayaa diiday in uu xukunka qafiifiyo, waxa uuna sheegay in uu aamisan yahay in wadaadkan uusan fikirkiisa wax ka badaleyn.