{DAAWO SAWIRADA} Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo si diiran loogu soo dhaweeyay Dalka Sudan.

12
735

Wararka ka imaadana dalka Sudan gaar ahaan magaalada Khrtuum ayaa sheegaya in halkaas si diiran loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo uu Wehliyo Afahyeenkii hore ee madaxweenaha Soomaaliya Eng ,Cabdiraxmaan Yariisow.

Dhuxulow iyo Xubnaha la socda ayaa habeen hore gaaray dalka Sudan, waxaa garoonka caalamiga ah ee Khrtuum ku soo dhaweeyay madaxda safaradda Soomaaliya ee dalka Sudan.

Wararka ayaa sheegaya in madaxdii halkaas ku soo dhawaysay ay ka mid ahaayeen u qeybsanaha hiddaha iyo tacliinta sare ee safaaradda Dr. Cabduqaadir Guullane iyo Fiidow Maxamuud Fiidow oo ah u qeybsanaha dhanka warfaafinta ee safaaradda Soomaaliya. xubno ka socday jaaliyadda iyo qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan wax ku barata.

Kulankaas oo ahaa mid aad u Qiimo badan ayaa waxa uu Dhuxulow kala hadlay halkaas gaar ahaan dadkii halkaas ku soo dhaweeyay xaalada Soomaaliya, maadaama Siyaasi Rug cadaa ah uu yahay dhuxulow.

Sidoo kale wafdiga ayaa ka mahadceliyay soo dhaweenta balaaran ee loo sameeyay imaanshahooda khartuum iyagoo sheegay in ay u yimaadeen Sudan shir looga hadalayo ka hortagga arrimaha xag jirnimada oo dowladda Sudan ay marti galineeso ayuu yiri xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo la hadlay warbaahinta Qaranka.

Waxaa lagu wadaa In uu halkaas kula kulmo jaaliyada Soomaaliyeed ee halkaas dagan, waxaana uuna kala hadli Doonaa siyaasada Soomaaliya iyo Doorashada 2016-ka oo usbuucyo naga dhiman yihiin.

Xildhiban Mustaf Dhuxulow ayaa waxa uu Hormuud u ahaa sanadihii la soo dhaafay wax u Qabashada Bulshada Soomaaliyeed ee la Heyb sooco, waxa uuna dhawaan booqday Isbitaal ku yaal Muqdisho, oo ay ku jirtay haweeney afar mataano ah ku dhashay, waxaana booqashadaas ku dayday wasiiro dhowr ah, waxaana loo arkayay inuu ahaa wasiirka mar walba ka war qabay shacabkiisa.




 

Comments are closed.