Difaacyada cusub ee kooxda Chelsea David Luiz iyo Marcos Alonso ayaa hoggaaminayey tababarka ay kooxda Chelsea isugu diyaarinayso kulanka ku soo aaddan ee Premier League oo ay la leeyihiin naadiga Swansea City.
David Luiz iyo Marcos Alonso ayaa tababarka si wacan uga qeyb qaatay tan iyo markii ay Chelsea ku soo biireen maalintii ugu dambeysay ee suuqii xaagaga.
Mustaqbalka Branislav Ivanovic ee kooxda Chelsea ayay shaki gelin karaan saxiiyadan cusub, waxaana laga doonayaa inuu xafiiltan sameeyo si uu ugu dagaalamo booskiisa Blues.
Cesc Fabregas ayaa sidoo kale tababarkan ka soo muuqday, kaasoo la rajaynayo inuu ku soo bilaaban doono kulanka Swansea City.
Kooxda Blues ayaa qaab ciyaareed wacan ku bilaabatay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, iyadoo saddexdeedii kulan oo ay soo ciyaartay guulo soo wada gaartay.
SAWIRRO:
Comments are closed.