{DAAWO SAWIRRO}Somalia Oo Markii Ugu Horreeysey Taariikhda Ka Qayb Gelaysa Ciyaaro Aysan abid ka Qaybgelin

10
554

Ciyaaraha Olombikada Naafada ayaa 7-da bishan Sebtember ka bilaaban doona magaalada Rio Brazil, waxaana sanadkan markii ugu horreeysey taariikhda ka qayb qaadan doona dalkeenna Soomaaliya.

Dufcadda 23-aad ee ciyaaraha Naafada Olombikada Adduunka ayaa ka kooban 528 waqcadood oo qaadan doona 11 maalmood, kuwaasoo lagu bixin doono 225 billadood oo haweenka ah, 265 ragga ah iyo 38 billadood oo isku dhaf ah.

Waxaana sanadkan Somalia ciyaarahan ku metalaya Farhan Hadafoow, oo ah 19 jir ah, iyadoo ay Somalia masraxa kasoo muuqan doonto 8-da bishan, iyadoo uu Farxaan tartami doono 5:30 xilliga Muqdisho.

Xafladda furitaanka ayaa qabsoomi doonta 7-da bishan, saacadda maxalliga ah ee Muqdisho marka ay abbaarayso 2-da saq dhexe.

b b1 B3

B2

Untitled

b1

b

Comments are closed.