Dani Alves Oo Xiran Doona Kabtanimada Brazil Kulanka Isreeb-reebka Koobka Aduunka Ee Colombia

12
580

Daafaca midig ee Juventus Dani Alves ayaa noqon doona kabtanka qaranka Brazil marka ay caawa saqda dhexe waqtiga geeska Afrika soo dhaweeyaan Colombia kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koonfurta America sida uu xaqiijiyay tababaraha qaranka.

Miranda ayaa ahaa kabtankii qaranka Brazil ee khamiistii markaas oo ay guul weyn ka gaareen Ecuador, tababare Tite ayaana go’aankiisa badalay isagoo hogaanka qaranka u dhiibaya Dani Alves wuxuuna balan qaaday in kabtanimada uu rog-rogi doono sidii uu sanadkii hore ku sameeyay Corinthians.

Kabtankii hore Brazil Neymar Jr ayaa iska casilay xilka hogaanka Jaalayaasha markii uu soo dhamaaday koobkii Olympic-ada Aduunka ee ay biladda dahabka ah ku heleen markii ugu horeysay, Tite ayaana ka dhawaajiyay inuu aad ugu faraxsan yahay in kooxdiisa ay ka buuxaan hogaamiyeyaal badan.

Alves

“Kooxda waxaa ku jira hogaamiyeyaal kala duwan mid walbaana wuxuu leeyahay ruuxadiisa u gaarka ah” ayuu yiri Dani Alves oo ka hadlaya Shirka jaraa’id ee ka hor kulanka Colombia.

“Maanka kuma hayo in kabtanimada ay leedahay muhiimad weyn, waxaan ku fakarayaa iney sharaf weyn tahay ka mid ahaanshaha kooxda adigoo waliba xiran calaamadda hogaanka. waxaan aaminsanahay in kooxda u baahan tahay hogaamin yar oo qof walba ka timaada, taasna waan heysanaa xaqiiqdii”

Dani Alves oo 33-jir ah ayaa safan doona kulankiisii 69-aad ee Brazil, macalin Tite ayaana sheegay inuu shaxdiisa rogi doono si ay mar kale guul u helaan.

Shaxda Macquulka Ah Ee Caawa Brazil ay Ku Ciyaari Doonto:

Alisson, Dani Alves, Marquinhos, Miranda, Marcelo, Casemiro, Paulinho, Raugusto, Willian, Neymar. Gabriel Jesus.

Comments are closed.