Deg Deg Madaafiic goordhaw lagu Garaacay Villa Somalia iyo qeybo kale oo Muqdisho kamid a

8
488

Waxaa goordhaw tiro madaafiic ah lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, Madaafiicda xoogooda ayaa ku dhacay Degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Dhawaqa madaafiicda ayaa si weyn looga maqlayay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho , waxaana dadka ku dhaqan Degmada Wardhiigley iyo qeybo kale oo kamid ah magaalada lasoo darsay cabsi xoogan ay ka qabaan madaafiicdaasi aan jihada laheyn.

Qaar kamid ah Madaafiida ayaa lasoo sheegayaa in ay ku dhaceen xaafado ku dhaw haw xarunta Madaxtooyada, waxaana Madaafiicdasai lagu soo waramayaa in dad shacab ah ay kasoo gaareen qasaarooyin.

Madaafiicdan ayaa imaaneysa xili Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya uu goordhaw ka furmay Shirka Madasha Hogaamiyaasha dalka , lamana oga in gudaha Madaxtooyada ay ku dhaceen Madaafiic.

Comments are closed.