{DHAGEYSO} R/Wasaaraha Oo Shaaciyay Inuu Yahay Musharax Madaxweyne Somalia

5
560

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu doonaayo Afarta sano ee soo socota inuu hogaamiyo Soomaaliya, islamarkaana uu la yimaado isbedel siyaasadeed.

Waxa uu sheegay dalka xilligaan inuu u baahan yahay qof ka samata bixiya dhibaatooyinka kala duwan ee ka jira, sidoo kalena dhameystira howlaha Qaran ee yaala.

Cumar C/rashiid ayaa tilmaamay qorshihiisa inuu yahay dalka inuu ku soo dabaalo Xasilooni Siyaasadeed iyo sidii Shaqo loogu abuuri lahaa Dhalinyarada Somaliyed.

Madaxda ugu sareysa Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegay inay yihiin Musharaxiin mid waliba doonaya ama u hanqal taagaya Kursiga Madaxtinimada Dalka.

HALKAN HOOSE KA DHAGEEYSO CODKA

 

Comments are closed.