Dowlada Kenya Maxey Ka tiri Joojintii Qaadka Soomaaliya La keeni Jiray

25
1069

Gudoomiyaha gobolka Meru ee dalka Kenya oo ah halka uu ka baxo qaadka Kenya ka yimaada ee Soomaaliya loo so beec keeno ayaa sheegay in go’aanka ay dawlada Soomaaliya sida kmg ah ugu joojisay qaadka ay keeni karto dhibaato dhaqaale oo saameysa ganacsatada Soomaalida iyo Kenyanka ah.

Peter Munya waxaa uu waxaa uu dawlada Soomaaliya ka codsaday inay ka laabato go’aanka ay ku hakisay diyaaradaha qaadka Soomaaliya keena sida uu yiri waxaana uu intaa ku daray in saameynta dhaqaale ee arrintaan yeelan karto laga dareemi doono Soomaaliya iyo Kenya.

Gudoomiyaha gobolka qaadku ka baxo Peter Munya waxaa uu sidoo kale sheegay in qaadka ay Soomaaliya keenaan ay dhaqaale badan ka helaan dad Soomaaliya iyo Kenyan ah waxaana uu xusay in go’aanka dawlada Soomaaliya uu yahay mid dhibaato dhaqaale abuuri kara.

In ka badan 10 diyaaradood oo qaad kasoo qaadi jiray dalka Kenya ayaa maanta Muqdisho imaan waxaana lagu qiyaasaa lacagta ay Kenya ka hesho qaadka lacag lagu qiyaasay hal billion oo lacagta Kenya ah.

Dawladaha Ingiriiska iyo Holland ayaa horey dalalkooda uga mamnuucay in qaadka loo beec geeyo taasna waxay Soomaaliya ka dhigtay suuqa ugu weyn ee qaadka Miirawga la yiraahdo lagu iibiyo.

Dawladii dhexe  ee kacaanka, iyo maxkamadihii Islaamka ayaa lagu xasuustaa inay mar ku dhawaaqeen inay Soomaaliya ka joojiyeen qaadka haddana sidaasoo ay tahay waxaa lagu soo galin jiray si qarsoodi ah.

Dawlada Soomaaliya inkastoo aysan shaacin sababta ay u joojisay qaadka haddana aad ayaa maanta looga dareemayaa suuqyada lagu iibiyo.

Aqoonyahanada caafimaadka ayaa aaminsan in qaadka oo ah laamo caleemo qoyan leh oo la ruugo ay ku jiraan maadooyin maandooriye ah oo xataa sababa xanuuno halis ah.

qaad ama jaad

Comments are closed.