Dowlada Kenya Oo Dabagal Ku Hayso Dhalinyaro Looga Shakiyay Iney Xiriir la layihiin Al.shabaab

9
438

Saraakiisha Ciidanka Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in ay Baadi goob ku hayaan in ka badan 5 Dhalinyaro ah oo dalkaasi u dhalatay, kuwaas oo ay ku eedeeyeen in ay xiriir la leeyihiin Shabaabka ka Dagaalama Soomaaliya.

Howlgallada lagu raadinayo Dhalinyaradan lagu tuhmayo in ay Al shabaab ka mid yihiin ayaaa waxay ka socdaan Magaalada Mombasa iyo Deegaanada kala ah Kwale, Lamu iyo Malindi, oo ay Ciidanka Booliska sheegeen in ay ku dhuumaalaysanayaan.

Deegaanka Kwale ayaa ah halka ugu badan oo ay ku sugan yihiin Dhalinayadan looga shakiyay in ay tababar kusoo qaateen xeryo ay Al-shabaab ku leeyihiin gudaha Dalka Soomaaliya, kadibna dib ugu laabtay Dalkaasi si ay weeraro u fuliyaan, sida uu Booliska sheegay.

Sawirada Dhalinyarada la raadinayo ayaa wuxuu Boolisku sheegay in ay ku baahin Warbaahinta Kenya, iyadoo laamaha amniga ay sheegeen in Lacag la siin doono qofkii soo sheego halka ay joogaan ama gacan ka geysata soo qabashadooda.

Comments are closed.