Dowlada Mareykanka Oo Duqeymo ku Dilay Dagaalyahano ka Tirsan Al-Qaacidada Yemen

3
420

Milateriga Mareykanka ayaa sheegay inay dileen 13 xubin oo ka tirsan ururka Al-Qaacidada Yemen ee Jaziiratul Carab, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka.

Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in saddex duqeyn oo ay fuliyeen intii u dhaxeysay 24-Agosto iyo 4 September ay ka dhaceen Gobolka Shabwah ee Bartamaha Yemen.

Mareykanka ayaan sheegin shaqsiyaadka lagu dilay duqeymahaas ka dhacay Gobolka Shabwah.

Al-Qaacidada Jaziiratul Carab ayaa horumar ka sameynayay dagaalada sokeeye ee ka qarxay dalka Yemen, iyagoo la wareegay deegaano dhowr ah.

Mareykanka ayaa sanadihii u dambeeyay duqeymo uu ka fuliyay Yemen ku dilay hoggaamiyeyaal ka tirsan Al-Qaacida

Comments are closed.