Dowladda Soomaaliya Oo ka hadashay joojinta Qaadka waxaana Ayna Sheeg…..

0
454

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka hadlay sababta ka dambeysay in Dowladda Federalka Soomaaliya ay hakiso qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya.

Safiirka oo u waramay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalkaasi ayaa ku sheegay sababta inay tahay in Guddoomiyaha Gobolka Meru Peter Munya uu faragelin ku sameeyay arimaha gudaha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Booqasho uu Bishii July ku tagay Magaalada Hargaysa ee Xarunta Soomaaliland in uu ka hadlay arimo ku aadan Aqoonsiga Soomaaliland.

Iyadoo taasi ay jirto ayaa hakinta qaadka ee Soomaaliya Safiir Jamaal waxa uu ku sheegay inay tahay Canaan lagu canaanaayo Dowladda Kenya