FAAH FAAHIN DHEERAD AH Qaraxii ka dhacay Muqdisho

3
495

Wararka inaga soo gaaraya Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Hotel Kuwait Plaza ayaa waxa ay sheegayaan in Gaari Walxaha Qarxa ay ku xirnaayeen uu ku Qarxay halkaasi.

Gaariga Qarxay ayaa nuuciisa la sheegay in uu ahaa Surve, iyadoo Qaraxa Gaarigaasi uu bur bur ugeystay Goobaha Ganacsi ee halkaasi ku yaallay sida dad goob joogayaal ah ay Risaala u sheegeen.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Qaraxa loo adeegsaday Gaariga Walxaha Qarxa ay ku xirnaayeen ee ku Qarxay Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan agagaarka Hotel Kuwait Plaza ee Magaalada Muqdisho.

Comments are closed.