Faah Faahino kasoo baxaya Madaafiic Qasaaro geesatay oo lagu garaacay Xaafado ku dhaw dhaw Villa Somalia

3
542

Waxaa Duhurnimadii maanta tiro madaafiic ah oo qasaaro kala duwan uu kasoo gaaray dad shacab ah lagu garaacay xaafado kuyaala magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw Xarunta Villa Soomaaliya .

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday madaafiicdan 7-qof oo kalana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray kadib markii Guryahooda oo kuyaala Degmada Wardhiigley ay kusoo dhaceen madaafiicdan.

Maamulka Degmada Wardhiigley ayaa noo xaqiijiyay madaafiicdan qasaaraha geesatay ee maanta kusoo dhacday Xaafada 15-ka May iyo xaafado kale oo katirsan Degmadaasi kuna dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin madaafiicdan maanta lagu garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxaaa madaafiicdan ay kusoo aadeysa xili Madaxtooyada uu maanta shir uga furmay Hogaamiyaasha Madashada Wadatashiiga Qaran.

Comments are closed.