Faahfaahin dagaal ka dhacay Bariga Gobolka Mudug iyo Xiisad ka taagan Gaalkacyo

7
500

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare geystay oo xalay ka dhacay deegaano dhowr ah oo ku yaalla bariga gobolka Mudug.

Dagaal ayaa la sheegaya in uu dhaxeeyay xoolo dhaqato kasoo kala jeeda deegaanada Puntland iyo Galmudug.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka ka dhacay Bariga gobolka Mudug.

Maamulada Puntland iyo sidoo kale maamulka Galmudug ayaa midba mid kale ku eedeeyay in uu hurinaayo dagaalka ka dhacay Bariga gobolka Mudug.

Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa saakay waxaa ka taagan xiisad u dhaxeeysa laba Maleeshiyo oo hubeysan kana kala soo jeeda maamulada Galmudug iyo sidoo kale Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale waxaa laga dareemaaya xiisad colaadeed , waxaana laga cabsi Qabaa in uu dagaal ka dhaco magaalada Gaalkacyo oo ay kala maamulaan Puntland iyo sidoo kale Galmudug.

Comments are closed.