Franck Ribery Oo Ka Doorbiday Ku Guuleysiga UCL Inuu Markii Shanaad Oo Xiriir Ah Bundesliga Ku Guuleysto

7
453

Garabka Bayern Munich Franck Ribery ayaa ka dhawaajiyay inuu doorbidi lahaa ku guuleysiga Champions League xagaagan halkii uu xili ciyaareedkii shanaad oo xiriir ah la qaadi lahaa kooxdiisa horyaalka Bundesliga.

Ribery wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii Bayern Munich ee sadexleyda koobabka ah isku qaaday 2012-2013, sidoo kalana sadex horyaal oo xiriir ah ayuu la qaaday Pep Guardiola, balse markaan wuxuu doonayaa tartanka qaaradda inuu qaado isagoo muhiimadda gooni ah siin doona.

Franck ayaa doonaya iney Ancelotti ka dhigaan macalinka kaliya ee ku guuleysta afar jeer tartanka Champions League isagoo haatan rikoorka sadexda jeer barbaro kala ah macalinkii hore Liverpool Bob Paisley.

ribery

“Waxaan dooneynaa inaan wax walba ku guuleysano” Ayuu u sheegay Goal.com

“Hadii aan go’aansan karo Bundesliga iyo Champions League midka aan ku guuleysanayo waxaan dooran lahaa UCL, sababtoo ah waxaad moodaa inuu ka heer sareeyo, xitaa hadii Bundesliga uu yahay wax weyn”

“Waxaan rajeynayaa inaan wax walba ku guuleysano xili ciyaareedkaan”

Dhanka kale Ribery ayaa ka hadlay iney hal group ku wada jiraan Atletico Madrid oo xagaagii hore ku reebtay Semi Finalka Champions League-ga.

“Ma ahan dhex-dhexaad” ayuu yiri Ribery, “Waxaan sameynay shaqo fiican kulankii gurigeena, balse wax nasiib ah ma aanan yeelan”

“Groupkeena ma fududa, waa inaan guuleysanaa kulan walba, taas ayaa muhiim ah”

Comments are closed.