Garsoore Mark Clattenburg Oo Xili Ciyaareedkii Sadexaad Oo Xiriir Ah Garsoori Doona Manchester Derby, Maxaase Lagu Kala Baxay Labadii Kulan Ee Hore?

3
451

Sida ay xaqiijiyeen xiriirka FA-ga Ingiriiska garsooraha heerka caalami ee Mark Clattenburg ayaa garsoori doona kulanka ugu adag isbuuca soo aadan kulamada Premier League-ga ee Manchester Derby kaas oo soo gali doona xiliga Qadada maalinimada Sabtida.

41-jirkaan ayaa sanadkaan 2016 uu u ahaa kii ugu wanaagsanaa waayahiisa madama uu sadex final oo caalami ah garsooray, finalkii FA Cupka ee dhexmaray kooxaha Manchester United iyo Crystal Palace, Finalkii Champions League-ga ee dhexmaray kooxaha caasimadda ka wada dhisan ee Real Madrid iyo Atletico Madrid halka finalka ugu sareeya yurub ee Euro 2016 uu garsooray markii ay Portugal 1-0 ku qaadeen tartanka ciyaar ay Paris ku dubteen France.

 

Garsoorahaan ku dhashay gobolka Durham ee dhaca waqooyiga Ingiriiska ayaa markii sadexaad oo xiriir ah garsoori doona kulanka Manchester Derby waliba kulamada garoonka Old Trafford.

Labadii xili ciyaareed ee lasoo dhaafay wuxuu garsooray labadii kulan ee ka dhacay Old Trafford, kulankii dhacay xili ciyaareedka 2014/2015 waxaa 4-2 ku badisay Manchester United ciyaar dhacday April 12, 2015, halka kulankii dhacay xili ciyaareedka 2015/2016 uu kusoo dhamaaday gool la’aan (0-0) taariikhduna waxey aheyd October 25, 2015.

Mark Clattenburg waxaa caawiyeyaal u noqon doona Jake Collin iyo Steve Bennett, halka garsooraha caanka ah ee Mike Dean uu noqon doono garsoorka afaraad.

Mark Clattenburg

Comments are closed.