Ibrahimovic Oo Hogaaminaya Liiska 20-ka Xidig Ee Ugu Awoodda Sareeya Ciyaar Gacameedka FIFA Xidigaha EPL-ka Xilli Mahrez, Vardy & Kane Laga Waayay

12
716

Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu sharfay inuu noqdo ciyaariyahanka ugu awoodda badan xidigaha ka ciyaara Premier League-ga ciyaar gacmeedka FIFA, balse midkoodna kama soo muuqan kooxda Leicester City 20-ka xidig ee ugu awoodda sareeya Ciyaar Gacmeedka.

Inkastoo wali aan si rasmi ah loosii deynin liiska dhamaan ciyaartoyda kasoo muuqan doona ciyaar gacmeedka FIFA, hadana 29-ka September ayaa si rasmi ah loo iibsan doonaa.

Wax layaab ah ma noqon liiskaan Arsenal iyo Chelsea ayaa ku yeeshay min Shan xidig, halka Manchester United ay liiskaan ku yeelatay 4-xidig, wiilasha Pep Guardiola ayaa sidoo kale 3-xidig ku yeeshay.

FIFA 20

Si kastaba layaabka kale ee jira ayaa ah in Hugo Lloris uu kasoo muuqan waayay liiska halka ugu sareysa madama uu hogaaminayay Tottenham Hotspur oo xagaagii lasoo dhaafay ugu cad-cadeyd hanashada horyaalka inkastoo markii dambe ay ku dhameysteen booska 3-aad.

Sidoo kale xidigii noqday kii ugu wanaagsanaa Premier League-ga Riyad Mahrez ayaan loo tixgelin wixii uu kasoo bandhigtay EPL-ka xagaagii lasoo dhaafay.

Ozil

Kaliya Mesut Ozil iyo Dimitri Payet ayaa kasoo muuqday liiskaan kuwaas oo ka mid ahaa xidigahii loo magacaabay iney u tartamaan xiddiga sanadka, Kante, Kane iyo Vardy ayaana waayay liiskaan.

Comments are closed.