Kabtanka Argentina Lionel Messi Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Rasmiga Ah Ee Uu U Badalay Midabka Timahiisa

10
575

Kabtanka Argentina Lionel Messi ayaa ugu dambeyntii shaaca ka qaaday sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu badalo midabka timahiisa xagaagan.

Xidigaan Barcelona ayaa badalay midabka timahiisa dhamaadkii bishii July markaas uu noqday mid ka mid ah hadal heynta ugu balaaran ee baraha bulshada markii ay sawir muujinaya wajigiisa cusub soo dhigtay barteeda Instagram-ka gabadha ay saxiibka yahiin ee Antonella Roccuzzo.

Lionel Messi ayaa dib ugu laabtay dalkiisa Argentina markii tababare Bauza uu ku qnaciyay inuu kusoo laabto qaranka kulan ay 1-0 ku dhaafeen Uruguay ciyaar ka tirsaneed isreeb-reebka koobka Aduunka wadamada Koonfurta America markaas oo xidigaan uu dhaliyay goolka ay guusha ku heleen.

Si kastaba Television laga leeyahay Argentina ayaa weydiiyay waxa ku dhaliyay Lionel Messi inuu badalo midabka timahiisa.

“Waxaan sameeyay isbadal si aan uga soo bilaabo halka ugu hooseysa” Ayuu yiri Lionel Messi.

“Waxaa soo baxay murano badan oo ku saabsan wixii igu dhacay waxaana nafsadeyda u sheegay – Waa inaad ka nasato arintaan isla markaana aad mar kale dib u bilowdo”

29-jirkaan heerka caalami ayaa xaalad xun la kulmay markii uu sadex sano oo xiriir ah dalkiisa u hogaamin waayay inuu koob la qaado isagoo la tiigsaday Sadex Final oo muhiim ah.

Messi-Style

 

Comments are closed.