Madaxweyne Obama oo la Kulmay Madaxweynihii sida xun u caayay Hooyadiisa

4
502

Madaxweynaha dalka Mareykanka Brack Obama ayaa kulan kooban la qaatay Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte, kaa oo dhawaan si xun u aflagaadeeyay Hooyada Dhashay Brack Obama.

Kulanka labada Madaxweyne ayaa ka dhacay magaalada Vientiane ee caasimadda dalka Laos, waxaana wararka soo baxaya sheegayaan in ay kawada hadleen arimo badan oon Warbaahinta loo faah faahin.

Madaxweynaha Filibiin Rodrigo Duterte ayaa dhawaan si xun u aflagadeeyay Hooyada Dhashay Maaxweyne Barac Obama, waxa uuna ku tilmaamay Madaxweynaha in ay dhashay Haweeney jirkeeda ka ganacsata.

Barack Obama oo ka carooday aflagadaasi ayaa baajiyay kulankii horey loo qorsheeyay in uu la qaato Madaxweynaha Filibiin, hasa ahaatee isabad ayaa arintaasi ku timid waxaana hadalkaasi raali galin ka bixiyay kana shalaayay Madaxweynaha Filibiin.

Comments are closed.