Kabtankii hore qaranka Brazil Neymar Junior ayaa u dhaliyay qarankiisa 48-gool 72-kulan oo uu saftay wuxuuna barbaro la noqday dhanka taxa gooldhalinta dalkiisa halyeeygii hore Brazil (Zico).
Neymar wuxuu u baahan yahay inuu helo 19-gool si uu barbaro ula noqdo halyeyga ugu sareeya gooldhalinta xulka Jaalayaasha Pele kaas oo dhaliyay 77-gool, balse arinta ugu xiisaha badan waxey tahay in Neymar uu 24-jir ku dhaliyay 48-gool isagoo ku garaacay halyeeyo badan oo aysan u suuragalin iney da’daas ku dhaliyaan goolal intaas la eg.
Halyeeygii hore Brazil Ronaldo Luiz De Lima ayaa ka mid ah liiska ciyaartoydaan kaas oo 24-sano markuu jiray qaranka Brazil u dhaliyay 36-gool isagoo markaas u saftay 68-kulan, balse wuxuu kula guuleystay qarankiisa laba Copa America, hal World Cup iyo hal Confederation Cup inkatoo Neymar uusan rikooraas heysan.
Sidoo kale Wayne Rooney ayaa da’diisa 24-jirka ugu dhaliyay England 26-gool, Lionel Messi isna wuxuu xulkiisa ugu dhaliyay 19-gool, halka Cristiano Ronaldo uu xulkiisa ugu dhaliyay da’daas 22-gool.
Liiska Ciyaartoyda Darajada Sare Ee Uu Rikoorkaan Kaga Sareeyo:
Luiz Ronaldo (24-jir) 36-gool
Wayne Rooney (24-jir) 26-gool
Luis Suarez (24-jir) 25-gool
Raul Gonzales (24-jir) 23-gool
Cristiano Ronaldo (24-jir) 22-gool
Lionel Messi (24-jir) 19-gool
Zlatan Ibrahimovic (24-jir) 18-gool
Sergio Aguero (24-jir) 16-gool
Miroslav Klose (24-jir) 13-gool
Thierry Henry (24-jir) 11-gool
Comments are closed.