“Raaxo Ma Dareemi Doontid Haduu Kaa Hor Yimaado” Shkodran Mustafi Oo Halista Lucas Perez Uga Digay Daafacyada EPL-ka

6
411

Saxiixa cusub ee Arsenal Shkodran Mustafi ayaa shaaca ka qaaday in saxiixa lamaanka la ah ee Lucas Perez uu gilgili doono horyaalka Ingiriiska isla markaana digniin culus u diray daafacyada horyaalka Ingiriiska.

Arsenal ayaa dhameystirtay maalmahii ugu dambeeyay bisha December saxiixyada Shkodran Mustafi Iyo Lucas Perez kuwaas oo ka kala yimid Deportivo La Coruna iyo Valencia, balse daafacaan Jarmalka ah wuxuu qibrad ka heystaa ka hor imaadka Lucas Perez madama ay isku wajaheen La Liga.

27-jirka reer Spain ee xagaagii lasoo dhaafay 17-gool u dhaliyay kooxdiisa Deportivo ayaa amaan buuxda ka helay Mustafi.

mustafi

“Kuma raaxeysaneysid inaad wajahdo, waa weeraryahan wanaagsan, wuxuu leeyahay wax walba oo weeraryahan looga baahan yahay” ayuu yiri Mustafi oo u waramayay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

“Waa qof u ciyaari kara si wanaagsan, kaliya iskama ordo mana sugo qof kubadda siiya si uu gool u dhaliyo. wuxuu ula shaqeeyaa kooxda si weyn, wuxuuna abuuraa fursado”

“Wuxuu joogaa booska saxda ah, waqtiga ku haboon, sidii uu nagu tusay La Liga xagaagii lasoo dhaafay. waxaan halkaas ka ciyaarayay laba sanadood, waana ogahay ineysan fududeen in goolal badan laga dhaliyo La Liga, sababtoo ah waxaa jooga daafacyo waaweyn sidoo kale”

“Waxaan ku fakarayaa inuu kooxda wax badan caawin doono”

Ugu dambeyntiina Mustafi iyo Perez ayaa rajeynaya iney kulankooda ugu horeeya kooxdooda cusub saftaan 10-ka September markaas oo ay Gunners wajaheyso Southampton kulan ka tirsan Premier League-ga.

Comments are closed.