{SAWIRO} Barcelona Oo Warbixin Ka Soo Saartay Xaalada Dhaawicii Lionel Messi Ku Soo Gaadhay Xulka Qarankiisa Argentina

9
1920

Kooxda Barcelona ayaa warbixin caafimaad ka soo saartay xaalada dhaawicii Lionel Messi uu dib ugaga soo laabtay xulka qarankiisa Argentina, waxaana war rasmi ah oo ay Barcelona soo saartay lagu cadeeyay in Lionel Messi uu wali dhibaato ka dareemayo muruqa lugtiisa bidix.

Qoraalka  rasmi ah oo Barcelona ka soo baxay oo looga hadlay dhaawaca Lionel Messi ayaa lagu yidhi:“Baadhitaano maanta lagu sameeyay Lionel Messi ayaa lagu cadeeyay in ciyaartoyga ay wali dhibaato ka haysato muruqa lugtiisa bidix. Waxaa Messi lagula taliyay in uu maalmaha soo socda  yareeyo tababarka , diyaar ahaanshihiisu waxa uu ku xidhnaan doonaa sida uu horumar uga sameeyo dhibta”.Messi

Messi ayaa ciyaaray kulan kasta oo ay Barcelona ilaa hadda ka soo ciyaartay tartamada oo dhan si la mid ah kulamadii saaxiibtinimo waxaana qoraalka Barcelona oo sii socda lagu yidhi: ” Messi waxa uu ciyaaray dhamaan 90 kii daqiiqo ee kulan kasta oo ay kooxda kowaad ilaa hadda ciyaartay. Waxa uu ciyaaray kulamadii labada lugood ee Spanish Super Cupka iyo kulamadii horyaalka ee Betis iyo Athletic Bilbao isaga oo saddex gool dhaliyay”.Messi1

Warbixinta Barcelona oo sii socota ayaa lagu yidhi: “Kadib kulankii San Mames, gool dhalihuhu waxa uu u safray Argentina si uu wadankiisa Argentina ugu ciyaaro isreeb reebka koobka aduunka oo uu ka hor yimid Luis Suarez-ka Uruguay. Messi waxa uu sidoo kale ciyaaray 90 kii daqiiqo isaga oo dhaliyay goolka kaliya ee ay ku guulaysteen”.messi-arg-1472816435008Barcelona ayaa sabtida la ciyaari doonta kooxda Alaves waxayna u badan tahay in Lionel Messi uu kulankan seegi doono iyada oo talaadada danbe ay Barcelona kooxda Celtic ku soo dhawayn doonto Camp Nou ee kulanka ugu horeeya heerka Groupyada Champions Leaque-ga.

Comments are closed.