{SAWIRO} England Oo Toban Ciyaartoy Oo Slovakia Ah Guul Dirqi Ah Ka Soo Gaadhay Iyo Adam Lallana Oo Kala Asturay Sam Allardyce Iyo Jamaahiirta Three Lions

10
1448

Xulka qaranka England ayaa guul cidhiidhi ah oo xili danbe ah ka gaadhay toban coyaartoy oo xulka qaranka Slovakia ah waxaana guushan England ku hogaamiyay Adam Lallana oo dhamaadkii kulankan dhaliyay goolka kaliya ee ay Three Lions guushan ku soo gaadheen.

Waxay u muuqatay in Sam Allardyce uu barbaro gool la’aan ah ku furanayo waayihiisa tababaranimo ee England balse iyada oo garsooruhu uu afka ku hayay in uu siidhiga yeedhiyo ayuu Adam Lallana dhulka jiiday xulka qaranka Slovakia oo dadaal badan sameeyay. Waxayna ugu danbayn England soo heshay saddex dhibcood oo muhiim u noqon doono jidhka dheer ee ay ugu soo baxayso koobka aduunka 2018.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

SLOVAKIA (4-5-1): Kozacik; Pekarik, Skrtel, Durica, Hubocan; Mak, Gregus, Pecovsky, Hamsik, Svento; Duris.

KAYDKA: Novota, Dubravka, Gyomber, Kubik, Kiss, Povazanec, Pich, Sylvester, Pauschek, Stetina.

ENGLAND (4-2-3-1): Hart; Walker, Cahill, Stones, Rose; Dier, Henderson; Lallana, Rooney, Sterling; Kane.

KAYDKA: Heaton, McCarthy, Smalling, Walcott, Sturridge, Jagielka, Clyne, Drinkwater, Vardy, Alli, Antonio.

Qaybta hore ee kulankan ayaa ahayd mid ay labada xul qaran isku mari waayeen isla markaana ay awoodi waayeen in ay fursado ay heleen uga faa’iidaystaan gool dhalin. Xulka qaranka England ayaa fursado fiican iska lumiyay iyada oo Harry Kane iyo Raheem Sterling ay labaduba fursado fiican heleen laakiin sidoo kale xulka qaranka martida loo ahaa ee Slovakia ayaa lumiyay fursado qaali ahaa.

Waxaan laba bilood gaadhin ayaa ka soo wareegtay markii ay England iyo Slovakia ay bararo gool la’aan ah ay ku galeen Euro 2016, waxayna markale qaybtii hore ee kulankan ay ku kala baxeen barbaro gool la’aan ah. Waxayna labada xul qaranba doonayeen in ay natiijo fiican ka helaan kulankan oo ka tirsanaa isreeb reebka koobka aduunka ee sanadka 2018 ka lagu qaban doono Russia.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee kulankan England ayaa markiiba bilawday in ay fursado raadiso iyada oo daqiiqadii 48 aad uu Raheem Sterling nasiibku diiday isaga oo helay fursad aad u fiican, waxayna ciyaartu u muuqtay mid sii adkaatay.

DAQIIQADII 57 AAD CAADHKA CAS!. Xulka qaranka Slovakia ayay dhibaato wayni u soo hoyatay kadib markii kaadhka cas loo taagay difaaca Martin Skrtel kaas oo si doqoniimo ah iskugu taagay Harry Kane inkasta oo uu markii hore si fiican ugu guulaystay in uu kubbad helo. Garsooraha ayaan ka laba-labayn wuxuuna kaadhka cas u taagay Martin Skrtel oo markii horeba kaadhka digniinta ah sii haystay, waxaana Slovakia lagu soo yareeyay 10 ciyaartoy.

Daqiiqadii 66 aad Wayne Rooney ayaa ku dhawaaday in uu xulka qarankiisa hogaanka u dhiibo kadib markii uu darbo fiican ku bartilmaameedsaday goolka Slovakia laakiin goolhaye  Kozacik ayaa si dirqi ah iskaga badbaadiyay wuxuuna xulka qaranka England bilaabay in uu culays saaro Slovakia.

DAQIIQADII 76 AAD Nin Sigtay Ma Nabad galin!. Xulka qaranka England ayaa markan ugu dhawaaday in ay helaan goolka furitaanka dhibaatada wayn ku noqday, waxaana darbo cajiib ah goolka Slovakia ku tuuray Adam Lallana wuxuuna si fiican u garaacay goolhaye  Kozacik balse xidiga Liverpool ayaa arkay darbadiisa oo birta goolka ku dhacday. Alla maxay fursad wayn ahayd!.

England ayaa si xoogan uga shaqaynaysay in ay jabiso difaaaca birta ahaa ee xulka qaranka Slovakia si ay guul uga gaadhi karaan toban ciyaartoy oo Slovakia ah. Jamaahiirta England ayuu wajigooda ka muuqday nijadjab wayni iyaga oo aan ku qancin qaab ciyaareedkii kulankan ee xulka qarankooda uu hogaaminayo Sam Allardyce.

DAQIIQADII 90 AAD GOOOOOO… MAYA! Waxay u muuqatay in England ay ugu danbayn heshay goolka guusha kadib markii uu Theo Walcott shabaqa Slovakia uu soo taabtay laakiin calanwadaha ayaa tilmaamay in xidiga Arsenal uu offside ku jiray, Walcott ayaa ku dooday in aanu wax offside ah ku jirin laakiin kubbada ayaa soo yara taabtay Sturridge waxayna u muuqatay go’aan sax ah in goolkan la diiday, balse waxa uu ahaa mid muran dhaliyay.

DAQIIQADII 90+5 GOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOOL! Ugu danbayn xulka qaranka England ayaa cadaadiskii ka baxay waxaana Sam Allardyce iyo jamaahiirta England kala dhex galay  Adam Lallana oo markan nasiibkii xumaa ee birta goolka ka baxay wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu si fiican dhinaca bidix uga soo karoosay Danny Rose, waxayna ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay England dirqi ugaga guulaysatay toban ciyaartoy oo Slovakia ah, 

Comments are closed.