Shirka Hogaamiyaasha Madasha oo maanta lagu wado in uu ka furmo Muqdisho

10
488

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ka furmo shirka Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran , shirkan oo qorshihiisu ahaa in uu furmo 7-da bishan ayaa laga soo hor mariyay waqtigii horey loo qorsheeyay.

Hogaamiyaasha Maamulada dalka Qaarkood ayaa kusugan magaalada Muqdisho waxaa sidoo kale la filayaa in qaar kale ay maanta galinka hore yimaadaan magaalada si ay uga qeyb galaan furitaanka shirkan .

Shirka Hogaamiyaasha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa ah mid xasaasi ah oo lafilayo in looga hadlo arimo badan oo muran ka taagan yahay sida dhismaha aqalka sare iyo wax ka badal laga yaabo in lagu sameeo ergada Xildhibaanada dooraneysa.

Waxaa la qorsheeyay in shirka uu socdo mudo labo maalin ah , waxaana suurto gal ah in waqtigaasi uu dhaafo maadama qodobo xasaasi ah looga doodi doono, shirkan ayaaan gabo gabadiisa laga soo saari doonaa War-Murtiyeed.

shirka-madasha- Qaran (1)

Comments are closed.