Somaliland oo si kulul uga hadashay go’aanka dowlada Somalia ku joojisay dayuuradaha Qaadka Kenya

13
608

Maamulka Somaliland ayaa ka hor yimid go’aankii maanta ka soo baxay dowlada Somalia ee sida ku meel gaar ah dalka oo dhan looga joojiyey qaadka dalka Kenya, laga soo dhoofiyo.

Cali Axmed Jaamac (Jangeli) oo ah Wasiirka Gaadiidka & Duulista Hawada Somalia ayaa sheegay maanta in laga bilaabo berri oo taariikhdu ku beegan tahay 6-da bishan, aanay diyaaraduhu qaadka kenya iman karin magaalooyinka dalka illa amar dambe isagoo aan sheegin wax sabab ah.

Hadaba waxaa arintaas ka jawaabay Wasiirka Duulista Hawada Somaliland, Farxaan Aadan Haybe oo sheegay in go’aankaas uusan khusaynin Somaliland, isla-markaana uu gaar u yahay Somalia.

“Somaliland waa dowlad ka madax banaan Somalia, hawadeeda iyadaa maamusha, dowlada Soomaaliyana awood uma laha iney hawadeena ka joojiyaan dayuuradaha” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka, ayaa sheegay in diyaaradaha qaadka ay si caadi ah u adeegsan karayaan garoomada ku yaala Degaanada Somaliland, Qaadkana ay keeni karaan.

Somaliland ayuu qaadka uga yimaadaa dhinaca Itoobiya dhulka ayuuna soo maraa, balse magaalada Laascanood waxaa maalin kasta ku dagta diyaarad sida qaad oo ka yimaada Kenya.

Soomaaliya waa suuqa ugu weyn ee loo dhoofiyo qaadka Kenya iyadoo ugu yaraan 16 duullimaad oo sida qaad ay maalin kasta yimaadaan Soomaaliya.

Tallaabadan waxay dharbaaxo ku tahay ganacsiga qaadka Kenya oo ka soo kabanayay saameyntii ka dhalatay go’aankii dawladda Britain uga mamanuucday in dalkeeda loo dhoofiyo Qaadka.

Comments are closed.