Sweden vs Netherland, Brazil vs Colombia & Macluumaad Ku Saabsan Dhamaan Kulamada Isreeb-reebka Koobka Aduunka 2018 Ee Ay Caawa Ciyaarayaan Wadamada Dunida

6
460
(L-R) Former German striker Oliver Bierhoff, FIFA secretary general Jerome Valcke and Russia's striker Alexander Kerzhakov hold the preliminary draw for the Union of European Football Associations (UEFA) zone for the 2018 World Cup qualifiers at the Konstantin Palace in Saint Petersburg on July 25, 2015. AFP PHOTO / KIRILL KUDRYAVTSEV

Todobaadkaan dhamaan horyaalada kala duwan ee qaaradda yurub lama ciyaarayo waxaana badalkeeda aad loo ciyaarayaa kulamada isreeb-reebka koobka Aduunka oo dhamaan qaaradaha kala duwan ka dhacaya, waxaanse idiin soo gudbineynaa dhamaan kulamada caawa laga ciyaarayo qaarad walba.

Caawa waxaa jira kulamo xiiso badan, waxaana kulamada ugu xiisaha badan laga xusi karaa kulanka ay Sweden gurigeeda kusoo dhaweyneyso Netherland iyo kulanka ugu culus Koonfurta America markaas oo ay Brazil saqda dhexe caawa la ciyaareyso Colombia.

Russia

Kulamada Isreeb-reebka Qaaradda Yurub

Waxaan dul istaageynaa kulamada ugu adag, Faransiiska ayaa caawa marti u noqonaya wadanka Belarus  kulan ka dhici doona garoonka Borisov Arena, kulankaan wuxuu soo gali doonaa 9:45 Habeenimo (XGA) iyadoo garsooraha reer Romania Ovidiu Hategan uu qaban doono seeriga ciyaarta.

Waa kulanka ugu horeeya ee labadaan xul ay yeeshaan kulamada isreeb-reebka koobka Aduunka 2018 ee wadamada yurub, waxeyna ku wada jiraan groupka A.

Dhanka kale Holland oo cawaaqib xumo kala kulantay isreeb-reebkii koobka Euro 2016 ayaa mar kale tartan weyn u galeysa isreeb-reeb waxeyna caawa marti u noqonayaan Sweden, labadaan dal ee aan kala fogeyn ayaa ku ciyaari doona caawa garoonka Friends Arena, goor sheegtada marka ay tahay 9:45 Habeenimo (XGA) waxaana dhex-dhexaadin doona Daniele Orsato oo u dhashay talyaaniga.

Sidoo kale Portugal ayaa booqan doona Switzerland, kulankaan labada xul wuxuu ka dhici doonaa garoonka kooxda FC Basel St. Jakob-Park kaas oo lagu qabtay finalkii UEFA Europa League ee dhexmaray Sevilla iyo Liverpool xagaagii dhamaaday kulankaan waxaa garsoori doona Antonio Mateu oo u dhashay Spain iyadoo laga daawan doono dunida 9:45 Habeenimo (XGA).

Haka reebin in Belgium-ka ay booqan doonaan wadanka yar ee Cyprus, iyagoo ku ciyaari doona Neo GSP garoonka la yiraahdo saacadda 9:45 Habeenimo garsooraha reer Jarmal F. Zwayer ayaana dhex-dhexaadin doona

Dhamaan Kulamada Caawa Ay Ciyaarayaan Wadamada Qaaradda Yurub:

GROUP A

9:45 Habeenimo Belarus ? – ? France

9:45 Habeenimo Bulgaria? – ? Luxembourg

9:45 Habeenimo Sweden ? – ? Netherlands

GROUP B

9:45 Habeenimo Andorra? – ? Latvia

9:45 Habeenimo Faroe Islands? – ? Hungary

9:45 Habeenimo Switzerland? – ? Portugal

GROUP H

9:45 Habeenimo Bosnia-Herzegovina? – ? Estonia

9:45 Habeenimo Cyprus? – ? Belgium

9:45 Habeenimo Gibraltar? – ? Greece

Kulamada Isreeb-reebka Qaaradda Koonfurta America

Markaan kasoo gudubno Qaaradda Yurub, sidoo kale kulamo ka tirsan isreeb-reebka Koobka Aduunka ee wadamada Koonfurta America ayaa caawa saqda dhexe waqtiga geeska Afrika la ciyaari doonaa.

Venezuela ayaa soo dhaweyneysa Argentina, Lionel Messi ayaa kulankaan dhaawac ku seegaya kaas oo xilli hore kusoo laabtay Barcelona, Estadio Olímpico Metropolitano de Mérida ayuu kulanka ka dhici doonaa waqtiga geeska Afrika markey tahay 2:00 Saqda Dhexe, Sidoo kalana Uruguay ayaa Estadio Centenario garoonka la yiraahdo kusoo dhaweyneysa Paraguay ciyaar soo dhici doona 2:00 Saqda Dhexe, halka Brazil ay caawa 3:45 Saqda Dhexe la ciyaari doonto Colombia kulan ka dhici doona Arena da Amazônia.

Kulamada Isreeb-reebka Koonfurta America:

2:00 Saqda Dhexe Uruguay ?Paraguay

2:00 Saqda Dhexe Venezuela ?Argentina

2:30 Saqda Dhexe Chile  ??  Bolivia
3:45 Saqda Dhexe Brazil ?Colombia

5:15 Saqda Dhexe Peru  ??  Ecuador

Kulamada Isreeb-reebka Qaaradda Waqooyiga America

Dhanka kale Wadamada Waqooyiga America qudhooda caawa saqda dhexe kulamo ayey ciyaarayaan waxaana ka mid ah:

GROUP A:

5:00 Aroornimo Canada ?El Salvador

5:00 Aroornimo Mexico ?Honduras

GROUP B:

4:30 Saqda Dhexe Costa Rica ?Panama

4:30 Saqda Dhexe Jamaica  ?Haiti

GROUP C:

3:15 Saqda Dhexe Guatemala ?Saint Vincent and The Grenadines

3:15 Saqda Dhexe USA ?Trinidad and Tobago

Kulamada Isreeb-reebka Qaaradda Asia

Ugu dambeyntiina wadamada Asia ayaa qudhooda ciyaaraya isreeb-reebka koobka Aduunka, ugu waaweyn ka mid ah:

GROUP A:

2:35 Duhurnimo China ?Iran

3:00 Galabnimo Syria ?South Korea

7:00 Fiidnimo Qatar ?Uzbekistan

GROUP B:

2:00 Duhurnimo Iraq ?Saudi Arabia

3:15 Galabnimo Thailand  ?Japan

6:30 Maqribnimo U.A.E. ?Australia

Comments are closed.