WAR DEG DEG AH: Nabadoono caawa lagu dilay Caabudwaaq & dad ay ku jiraan haween oo la dhaawacay

13
472

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ka geystay falal isugu jira dil iyo dhaawac sida wararka halkaa naga soo gaaraya ay sheegayaan.

Goob joogayaal ayaa ku waramay in labo nabadoon oo ka tirsanaa waxgaradka degmadaas la dilay, iyadoo la dhaawacay sideed qof oo kale, kuwaasoo ay ku jiraan labo dumar ah.

Dableyda dilka iyo dhaawaca geysatay ayaa baxsatay, iyadoo ciidamada amaanka magaalada ay wadaan howlgalo.

Lama oga illaa hadda ujeedada ka dambeysa weerarka dilka iyo dhaawaca ah ee ka dhacay Caabudwaaq, mana cadda cida ka dambeysay, waxaana gudaha degmadaas caawa laga dareemayaa xiisado kacsan.

Dadweynaha ayaa guryahooda ku xarooday ka dib markii dhaqdhaqaaqii ganacsi iyo isu socodka degmada ay joogsadeen, weerarkan caawa ka dhacay awgeed, saraakiisha amaanka iyo maamulka degmadaasna illaa hadda kama hadlin.

Comments are closed.