Warbixin: Kulanka Manchester De{DAAWO SAWIRADA}rby Ee Sabtida Oo Noqonaya Kulanka Ugu Qaalisan Kubada Cagta Caalamka – El Clasico Ayay Rikoorkaas Kala Wareegayaan.

14
756

Sabtida soo socota kulanka Manchester derby ayaa noqonaya kulankii ugu qaalisanaa taariikhda kubada cagta.

Kulanka Old Trafford kaliya iskama hor imaan doonaan Jose Mourinho iyo Pep Guardiola laakiin sidoo kale waxaa iska horimaan doona 22 ciyaartoy oo qiimahooda suuqa kala iibsiga uu kor u dhaafayo 670 milyan ginni.

Manchester United ayaana hogaamineysa iyadoo shaxdooda macquulka ah ay ku fadhiso 350.55 milyan ginni oo uu ku jiro ciyaaryahanka ugu qaalisan dunida Paul Pogba kaasoo ku soo laabtay kooxda xagaagan isagoo Juventus uga soo wareegay 93.25 milyan ginni.

wayne-rooney-paul-pogba-john-stones-raheem-sterling-manchester-united-manchester-city_3780715

Kooxda martida loo yahay ayay u badan tahay inay soo safi doonaan Anthony Martial (£57.6m) iyo Luke Shaw (£28m) kuwaasoo labadaba jabiyay rikoorka da’ yarka ugu qaalisan markii ay la soo wareegayeen, sidoo kale waxa ay soo safayaan Juan Mata (£37.1m), Eric Bailly (£30m) Marouane Fellaini (£27.5m) iyo kabtan Wayne Rooney (£27m).

Saxiixyadaas qaaliga ah waxaa ka soo horjeeda weeraryahan Zlatan Ibrahimovic kaasoo kooxda xagaagan ugu soo biiray si xor ah ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa kooxda Paris Saint-Germain.

manchester-united-city_3780630

Shaxda macquulka ah ee Manchester City waxa uu qiimahooda gaaraya 321.85 milyan ginni, iyadoo Kevin de Bruyne (£54.5m), John Stones (£50m), Raheem Sterling (£49m) iyo Leroy Sane (£37m) ayaa ka mid ah xiddigahooda ugu qaalisan ee ay soo iibsadeen labadii sannadood ee ugu danbeysay.

Sky Sports ayaana sheegtay inay soo baareen buugaagta rikooryada lagu xareeyo, waxaana ay aaminsan yihiin in kulankii ugu qaalisanaa kubada cagta uu dhacay bishii November ee 2015 oo ahaa kulankii El Clasico markaasoo ay Barcelona 4-0 kaga badisay Real Madrid ciyaar ka dhacday Bernabeu.

real-madrid-barcelona-transfers_3780651

Maalintaas ciyaartoydii saftay waxaa ka mid ahaa  Gareth Bale (£85.3m), Cristiano Ronaldo (£80m), Luis Suarez (£75m), James Rodriguez (£63m) iyo Neymar (£48.6m) iyadoo wadar ahaan 22kii ciyaartoy ee ku soo bilowday uu qiimahooda gaarayay 562 milyan ginni.

Kooxda Real Madrid ay kulankaas saftay waxa uu qiimahooda gaarayay 370 milyan ginni, waana ku dhawaad 20 milyan ginni in ka badan qiimaha xiddigaha la filayo inay United soo safto sabtida, laakiin marka la isku darro qiimaha labada kooxood ee Manchester waxa ay dhigi doonaan rikoor cusub.

Comments are closed.