14 qof Oo ku Dhimatay Dagaal Ka Dhacay Dalka Ugandha

1
328

Illaa 14 ruux ayaa ku dhimatay dagaal saacado ka socda dalka Uganda,kaddib markii ay isku dhaceen ciidamada dowladda iyo malleeshiyo daacad u ahaa mid ka mid ah boqorada dhaqanka ee dalkaas.

Wuxuu dagaalka ka dhacay magaalada Kasese ee galbeedka Uganda,wuxuuna ka bilowday markii malleeshiyaadka ay weerarren saldhigga booliska ee deegaanka,sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka.

Magaaladaasi waa meesha uu deggan yahay boqorta dhaqanka ee Rwenzururu, Charles Wesley Mumbere.Siddeed malleeshiyada ah iyo laba askeri ayaa ka mid ah dadka dhintay.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa malleeshiyadaasi ku eedeeyay inay raadinayaan inay ka go’aan dalka Uganda.

Boqorka ayaa beeniyay inay kooxdiisa wax xiriir ah uu la leeyahay

Comments are closed.